Kala aragti duwanaanta DF iyo Puntland ee xiisadda Carabta (Sababta mid kasta ku doodayo)

Shirkii u danbeeyey ee ka dhacay Xamar ee Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka wada hadalooladodii waxaa ka mid ahaa arimaha ka taagan KHaliijka iyo mowqifka layska taagaayo, sida wararka soo baxay sheegayaan Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland waxay Dowladda dhexe usoo jeediyeen “ In go’aankii dowladda dhexe ee dhex-dhexaadnimada ahaa dib looga fiirsado”, waxayna dan bidayeen dowlad goboleedyadaasu in dhanka Sacuudiga iyo Imaraatka loo bato oo la taageero, Qadarna dhabarka loo duwo, danta guudna laga hormariyo tan gaar ahaaneed; Siyaasiyiin kale oo ruug caddaa ahaa oo ka hadlay Idaacadaha iyo TVyada ayaa waxay soo jeediyeen in aragtida dhex-dhexaadnimada ee dowladda federaalku ay tahay mid aan shaqayn Karin maanta ee loo baahan yahay in laga fiirsado aayaha iyo mustaqbalka dadkaan dhibaatadu muddada dheer dulsaarnayd, mid kalana aan loogu darin; guddoonka labada Aqal ee Baarlamaankuna waxay soo jeediyeen talo ahayd in laga fiirsado siyaasaddaan aan dhanna raacsanayn.

Haddaba, haddaan eegno, Aragtida Dowladda Goboleedka Puntland ee ku aadan la safashada ama taageeridda Imaraatka iyo Sacuudiga waxaa ugu weyn ama ugu muhiimsan arimahaan:

  • Ganacsiga ugu weyn (ugu badan) oo ay dibadda u dhoofiyaan Puntland waa Xoolaha nool, waxayna u dhoofiyaan Dalalka Sacuudiga iyo Imaraatka, haddii xiriirkooda iyo kan Somaliya xumaadana dhibaato dhaqaale ee aan laga soo waaqsan Karin ayuu keeni karaa.
  • Wadanka Imaraatka waa meesha kaliya ee Somaliya wax uga yimaadaan ee ay ganacsiga tooska ah la leeyihiin, inta badanna waxyaabaha lagama- maarmanka ah ee dalka laga isticmaalo waxaa laga keenaa Dalkaa Imaraatka.
  • Ganacsatada Somaliyeed waxaa xarun u ah magaalada Dubai oo ka ganacsadaan, si dhib yarna u tagaan ama sharci daganaasho iyo mid ganacsina uga helaan, xawaaladaha lacagaha adag wadanka usoo gudbiyana xarumahoodu waa Dubai.
  • Puntland waxay xiriir dheer ee sokeeye la leedahay Imaraatka, kaas oo dhinaca Ammaanka iyo Taakulaynta kaabayaasha dhaqaalaha laga kaalmayn jiray Puntland, waxaana loo dhisayaa Dakad caalami ah oo ay ku baxayso boqollaal malyuuun oo doolar, waxaa loo tabaray ciidanka badda, mushaarkiisa iyo qalabkiisaba dowladda U.A.E. ay bixiso, Puntlandna aysan ka maarmi Karin baahida ciidankaan ilaalindoona baddaas dheer; Puntland wax xiriir ganacsi, mid dhaqan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lama laha Qadar, sidaas darted, waxay Puntland ku taageerto aragtida dowladda dhexe waa mid aan meesha ka muuqan!!

Haddaanu eegno Aragtida Dowladda Federaalka:

  • Xiriirka Villa Somaliya iyo tan Dooxa oo aad isugu dhow, saraakiisha madaxtooyada qaarkoodna usoo shaqeeyeen dowladda Qadar, sida Mahad Yaasiin oo ah madaxa Vllla Somalia, siyaasadda Qadarna si fiican u fahamsan,una arka saaxiibo dhow.
  • Dowladda Turkiga oo ah mid hiil iyo hooba la garabtaagan dowladda Qadar, diyaarna u ah inay difaacdo hadday khatari soo foodsaarto Qadar; waxaa kaloo dowladda Turkigu sidaa si la mid ah gacan usiisaa Dowladda Federaalka ah ee Somaliyeed, waxayna maamushaa Airporka Adan Cadde, Dakedda weyn ee Xamar, Isbitaalka weyn ee Digfeer, inkastoo hadda magacii laga badalay kan madaxweynaha Turkiga loo baxshay, dowladda Somalidu waxay ka heshaa lacag taakule ah Turkiga, waxaana si toos ah u yimaada Xamar dayuuradda Turkish Airways, waxay Turkigu ka furteen Muqdisho Iskuulo iyo Isbitaalo gaar-loo leeyahay; Intaas oo culays iyo cadaadis ah oo dulsaaran dowladda federaalka ah, lagama filan karo inay ku dhawaaqdo oo ku dhiirato inay xiriirka u jarto dowladda Qadar si dhib yar, danaha siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Turkigana uga hortimaado, laakiin haddii dowlad goboleedyadu mowqif midaysan ka qaataan xaaladdu waa isbadali kartaa.

Wada- tashiga iyo wada shaqayntu waa wadada ugu wanaagsan ee dadka iyo dalkuba horumar ku gaari karo, hadday ahaan lahayd, mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ama kuwa maamul-goboleedyada, mar-walbana waxaa haboon inay ka wada hadlaan danaha iyo mustaqbalka dadka iyo dhulka ay u arimiyaan, wixii aan dan ugu jirin dadkaasna si wada jir ah uga horyimaan.

Kala aragti duwanaanshaha Puntland iyo Dowladda Federaalka ah waxaa ka dhalan kara in dowlaha U.A.E iyo Sacuudiga xiriirka hoose ee ay la leeyihiin Puntland sii xoojiyaan, tan dowladda dhexana hoose u dhigaan, taas oo lays-weyn karo wax-ma u dhimaysaa wada-shaqayntii Puntland iyo dowladda Federaalka?

Dhex-dhexaadnimada Dowladda Federaalku dan ma ugu jirtaa Dadweynaha ummadda Somaliyeed oo tiir dhexaadka noloshooda ay tahay xoolaha nool oo ay ganacsi u geeyaan dalalka Sacuudiga iyo Imaraatka Carabta, ganacsigaas oo ah mid soo jareen ah oo muddo dheer ka dhexeeyey, malyuumaad neefna loogu iib geeyo dalalkaas, ilaa maantana waa isha kaliya ama Suuqa ay Somaliya  wax uga soo dagaan (wax kasoo gataan), waxna u iib geeyaan??.

W/Q: Mahamud J. Farah
mahamudjfarah@gmail.com
Fort Mcmurray, AB