Xog: Maxaa kusoo kordhay kulamada uu Cosoble ka wado magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa socdaalka uu magaalada Muqdisho ku joogo Hogaamiyihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Hogaamiye Cosoble ayaa kulamo gaar gaar ah magaalada Muqdisho kula qaadanaaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia kuwaa oo kasoo jeeda deegaanada HirShabelle.

Cosoble ayaa Wasiirada iyo Xildhibaanada ka tirsan dowlada ka dalbanaayo inay ku biiraan xalka loogu jiro baadi goobka xilka uu waayay.

Cosoble waxa uu dhinacyadaa ku dhiiri galinayaa inay ku garbiyaan dadaalka uu iminka wado, waxa uuna sidoo kale usoo jeedinayaa inay qeyb ka noqdaan dacwooyinka ka dhanka ah dowlada ee loo gudbinaayo Beesha Caalamka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Wasiirada iyo Xildhibaanada ay ka cudur daarteen dalabyada uu hordhigay Cosoble.

Cosoble ayaa horay u sheegay in xil ka qaadistiisa uu ka danbeeyay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre, oo uu tilmaamay inuu ku bixiyay dhaqaale xoogan.

Dhinaca kale, waxaan la saadaalinkarin sida uu noqon doono xaalka Cosoble, waxaana jira caqabado uu kala kulmaayo madaxda qaar ee uu doonaayo inuu kala hadlo arrinta taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com