Kalfadhiga todobaad ee BF oo maanta furmaya iyo wariyeyaasha oo loo diiday

Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa maanta lagu wadaa inuu furmo kalfadhiga 7-aad, labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ah kii ugu dambeeyey ee xildhibaanada labada gole ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kalfadhigan ayaa waxaa baarlamaanka 10-aad horyaalla Ajandayaal muhiim ah oo ay ugu weyn tahay doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxaa furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ka qeyb-gali doono gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyada oo lagu casuumay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale furi doono kalfdhigan, wuxuuna u jeedin doono xildhibaanada iyo senatorada khudbad dastuuriga ee uu uga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale wixii u qabsoomay dowladdiisa.

Ammaanka qeybo badan oo ka mid ah caasimadda ayaa loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la soo dhigay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale wariyeyaasha madaxa banaan ayaa loo diiday ka qeyb-galka furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BF Soomaaliya, ka gadaal markii lagu wargeliyay in aysan qayb ka aheyn dhinacyada lagu casuumay in ay tagaan hoolka uu ku shirayo baarlamaanka.

Sida ay wararku ay sheegayana kaliya waxaa loo ogolaaday warbaahinta dowladda iyo muuqaal duubayaasha madaxda iyo baarlamaanka.

Arrintaan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey hay’adaha iyo ururada ay ku mideysan yihiin warbaahinta, iyaga oo ka horyimid sababaha loo cuskanayo in war-tabiyeyaasha looga reebay kulanka baarlamaanka federaalka ee lagu wado inuu maanta furmayo.

Baarlamaanka 10-aad oo uu haatan gabagabo yahay muddo xileedkiisa ayaa kaldhiga todobaad oo ah koodii ugu dambeeyey waxaa looga fadhiyaa inay cadeeyaan ama go’aamiyaan noocada doorashada ee dalka ka dhaceysa sanadkaan 2020 illaa 2021-ka.