Somaliland oo shaacisay kiisas badan oo Covid-19 ah

Hargeysa (Caasimada Online ) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo maanta oo Axad soo saartay warbixinteeda maalinlaha ku shaacisay in deegaanada maamulkaasi laga diiwaan-geliyey kiisas hor leh oo cudurka faafa ee Coronavirus ah.

Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in 48-kii saac ee u dambeeyey la baaray dad gaaraya 150 qof, balse cudurka laga helay illaa 29  ruux oo uu ku jiro hal qof oo Ajnabi ah, kaas oo u dhashay wadanka Hindiya, kuna noolaa deegaanada Somaliland.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in 19 ka mid ah bukaanadaasi ay yihiin rag, halka 10 kalena ay dumar yihiin, kuwaas oo ku kala sugan yihiin magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiley iyo Buuhoodle.

Sidoo kale waxay wasaaradu sheegtay in dadka laga helay Covid-19 ay da’doodu u dhexeyso:-

(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 4 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 5 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Ugu dambeyn wasaaradda caafimaadka ayaa xustay inay cudurka u dhinteen labo qof oo hor leh, taas oo tirada guud ee dadka xanuunkan u geeriyooday ka dhigeysa 24-ruux.