Dr. Dufle oo shaaciyey in arrinta 4.5 ee Muqdisho aysan u jirin sida loo sheegay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaban qaabada iyo mideynta beesha Mudulood ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageerayey go’aankii Ugaaska beesha, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kaas oo uu uga soo horjeestay in gobolka Banaadir 7-xubnood laga siiyo golaha Aqalka Sare, iyadoo lagu qeyb sanayo nidaamka 4.5.

Kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa, isla markaana ka hadlay xubno ka socday guddiga dhameystirka sharciga doorashooyinka, odayaal dhaqan, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada, waxaana si weyn loogu taageeray hadalkii Ugaaska beesha Mudulood.

Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah guddiga isku dhafka ah ee arrimaha dooraashooyinka, isla markaana loo xil saaray inay si gaar ah uga soo tala bixiyaan arrimo uu ku jiro maqaamka gobolka Banaadir , ayaa sheegay in uusan jirin go’aan mideysan oo arrimaha gobolka Banaadir ay ka soo saareen xubnaha guddiga.

“Xubnaha guddigu waxay isla sheegeen, in todoba xubnood la siiyo magaalada Muqdisho, waxayna aheyd arrin soo jeedin ah, laakiin meeshaan waxaan rabaa in aan ka cadeeyo, in aysan jirin wax aan isla go’aaminay ama aan soo saxiixnay oo ah ‘4.5 halagu qeybsado’ ma jirto arrintaas haba yaraatee” ayuu yiri Dr. Dufle.

Sidoo kale Senator Dufle ayaa sheegay in guddigu isla gartay in todobadaas xubnood la hor geeyo baarlamaanka, maadaama loo baahnaa in gobolka Banaadir metelaad helo, balse marnaba aysan xubnaha guddigu soo saxiixin ‘4.5 halagu qeybsado metelaada gobolka Banaadir.’