Xog: Itoobiya oo door weyn ka qaadatay gabood falka duuliye Fu’aad Yuusuf Cal

Jabuuti (Caasimada Online) – Xariga ay dowladda Jabuuti kula kacday Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali ayaa waxa door weyn ka qaadatay dowladda Itoobiya, sida uu shaaciyey raadiyaha Faransiiska ee RFI.

RFI ee fadhigeedu yahay caasimada dalka Faransiiska ee Paris ayaa baahisay in dowladda Itoobiya ay u gacan gelisay dowladda Jabuuti Duuliye Fu’aad oo xiligaasi u baxsaday caasimada dalkaasi ee Addis-Ababa, maadama uu ka cabanayey cadaalad daro baahsan oo lagula kacay.

Duuliye Fu’aad ayaa 27-kii bishii Maarso u talaabay dhanka dalka Itoobiya, xiligaasi oo uu wajahayey cadaalad daro baahsan oo uu sheegay inay ka dhex jirtay Milatariga dalka Jabuuti, midaasi oo ku kaliftay inuu ka baxsado dalkiisi hooyo.

Fu’aad ayaa ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti, muddo ka badan 9-sanno, isagoona muddooyinkii dambe wajahayey cadaalad daro, sida uu ku sheegay muuqaal uu iska soo duubay ka hor inta uu ka firxan Jabuuti.

Itoobiya ayaa Fu’aad kasoo qabatay magaalada Addis-Ababa oo uu xiligaasi ku sugnaa, iyada oo usoo gacan galisay dowladda Jabuuti oo uu hore uga tirsanayey inay kula kacday gabood fal.

Duuliyaha ayaa loo gacan galiyay dowladda Jabuuti, xili uu ku howlanaa gudbinta codsi uu ku dalbanayey magan-galyo, maadama uu caasimada dalka Itoobiya ee Addis-Ababa uu baxsad ku joogay.

Talaabada Itoobiya ay Jabuuti ugu gacan galisay duuliyaha ayaa u muuqata mid ay ku raali-gelinayso dowladda Jabuuti oo kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, iyada oo dhinaca kalena u muuqaneysa mid door weyn ka qaadatay gabood falka ka dhanka ah Fu’aad,

Fu’aad ayaa dhawaan xabsi uu ku jiray oo Suuli dhexdiisa ahaa kasoo duubay muuqaal qiiro leh, midaasi oo sababtay kacdoon shacab oo ka dhan ah dowladda Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Saacadihii udambeeyay ayaa waxa magaalada Jabuuti gil-gilay mudaharaadyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha, oo isagu hore uga gadooday cadaalad daro uu ka tirsanayey ciidamada, iyada oo dowladuna kasoo saartay hanjabaado ka dhan ah.