Dadka Muqdisho oo markii ugu horreysay isku raacay hal go’aan , kaas oo qatar weyn ku abuuri kara dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay waxaa muuqaneysa in aragti ama hal go’aan ay isku raaceen shacabka iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho kaas oo la aaminsan yahay inuu halis weyn abuuri karo.

Baraha bulshada ee Internet-ka, warbaahinta iyo goobaha kulanka dadweynaha ayaa ku arkeysaa dadka Banaadir daga oo go’aan isku mid ah ka qaatay Matalaadda gobalka Banaadir iyo wararka sheegaya in 4. 5 lagu qeybsan doono kuraasta ay helaan.

Go’aanka ay qaataan ayaa ah “Muqdisho lama wadalahan ee waa lawada dagan yahay”. Sidoo kale waxaa muuqata iney ka siman yihiin aragtida ah in aysan cid aan iyagu aheyn go’aan ka gaari karin matalaadda gobalka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare.

Aqoonyahaanka, siyaasiga, dhaqanka, iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa wada abaabul ka dhan ah go’aanka guddiga isku dhafka ah ee labada aqal, waxaana socda kulama isdaba joog ah. Sidoo kale kulamada waxaa qeyb ka ah saraakiil ciidan taas oo ka dhigan in dadkii u dhashay gobalka Banaadir midoobay.

Dadkaan oo nuucyo kala duwan isugu jira ayaa u muuqda kuwa u diyaarsan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda iyo kacdoon dadweyne, si loo muujiyo rabitaankooda ku aadan matalaadda gobalka Banaadir.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa shalay sheegay in kacdoon uu sababi karo qorshaha kasoo baxay guddiga wadajirka ah ee ku saabsan matalaadda gobalka Banaadir. Sidoo kale baraha bulshada ku kulmaan ayaa waxaa ka socda dagaal xoog leh iyo weeraro lagu qaadayo guddiga warkaan soo saaray.

Haddii aan arintaan wax laga badalin ayaa waxaa laga cabsi qabaa in kacdoon ka dhan ah dowladda ka bilaawdo Muqdisho kaas oo qatar ku ah dowlada Soomaaliya oo Muqdisho kaliya awood ku leh, ayna suurta-gal tahay in magaalada laga eryo.