Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA: “7-da xubnood waa qorshe la isaga horkeenayo shacabka Muqdisho”

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye xigeenkii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay arinta muranka badan dhalisay maqaamka Muqdisho, isagoo tilmaamay in hadda la iska hor keenayo dadka reer Muqdisho, iyadoo la siyaasadeynayo.

Sidoo kale Taliye Ismaaciil ayaa sheegay in tirada xubnaha lasoo bandhigay ee la sheegay in gobolka Banaadir uu ku yeelanayo golaha Aqalka Sare ay tahay mid lagu maja xaabinayo maqaamkii gobolka, taas oo uu sheegay inay keeni karto in dalku galo rabshado iyo dagaalo sokeeyo.

”7-da xubnoo ee la sheegayo in Aqalka sare laga siinayo gobolka Banaadir, waa arin la doonayo in lagu majaxaabiyo maqaamkii iyo mataaladdii uu gobolku lahaa, waxayna keenikartaa in dalku galo rabshado iyo dagaalo sokeeyo bulshadana la isaga horkeeno” ayuu yiri.

Ismaaciil Daahir oo u waramay TV-ga Dalsan, isaga oo ku sugan dalka Mareykanka, ayaa  sheegay in aan laga bixi karin dagaalka siyaasadeed ee qabaa’ilada Soomaaliyeed ka dhaxeeya, inta uu qabyo yahay dastuurka dalka, isla markaana lagu dhaqmayo nidaamka 4.5, oo sida uu sheegay sad bursi badan uu ka muuqdo.

“Dastuurka hada dalka lagu dhaqo waa mid ku meel gaar ah oo aan afti loo qaadin,  dowladda hada jirtana waxaa laga rabay inay dhameystirto dastuurkan oo ay qabyada ka bixiso, isla markaana ay wadanka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah labadiiba way ku guul dareysatay, marka si looqariyo guul darrooyinkaas, ayaa la rabaa hada in xasarad siyaasadeed laga dhex abuuro dadka degan gobolka Banaadir” ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa madaxda dowaldda federaalka ku eedeeyay in aysan dooneyn ku dhaqanka nidaamka dalku qaatay ee federaalka si ay u gaaraan danahooda siyaasadeed.

“Cabsida ugu badan waxay ka taagantahay in baarlamaanka loo gudbiyo 7-dan kursi ee la sheegay in Aqalka Sare laga siinayo gobolka Banaadir, baarlamaankuna uu ku dhiirado in uu ansixiyo, taas oo keeni karta kacdoon shacab, kaas oo keeni kara in dalku dib ugu laabto rabshado hor leh” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Taliye xigeenkii hore ee NISA ayaa baarlamaanka Soomaaliya kula taliyey in aysan ku dhiiran ansixinta qorshahan cusub ee la sheegay in maqaam lagu siinayo gobolka Banaadir, sidoo kale madaxda dowladda ayuu kula taliyey inay ka waan toobaan danaha siyaasadeed ee arintaas ay ka leeyihiin, si looga baaqsado kacdoon iyo rabshado ka dhasha.