Shirkadaha isgaarsiinta oo walaac weyn ka muujiyey xaalka hay’ada isgaarsiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyay xaalka hay’adda isgaarsiinta qaranka, ayaga oo ka digay isbarbaryaaca iyo khilaafka hareeyay Hay`adda Isgaarsiinta Qaran iyo Guddigii Isgaarsiinta ee khilaafka weyn uu ka taagnaa dhismihiisa.

Qoraal ay soo saareen shirkadaha isgaarsiinta ayaa lagu yiri “Waxaa marag-­madoonte noqotay in dhibaatadii ay Shirkaduhu ka digayeen ay maantay timid ka dib markii Guddigii sharcidarada ahaa ee uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda si toos ugu hor yimid maamulkii Hay`adda Isgaarsiinta iyagoo ku andacoonay in ay iyagu yihiin cidda mas`uulka ka ah bixinta Ruqsadaha Isgaarsiinta.”

War-saxaafadeedka shirkadaha oo dhameystiran hoos ka aqriso

Shirkadaha Isgaarsiinta oo Walaac Weyn Ka Muujiyay Xaalka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Mogadishu, June 05, 2020 – Kulan deg deg ah ee uu qabanqaabiyay Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladaha adeegyada Isgaarsiinta dalka iyo dhibaatooyinka jira iyo guud ahaan xoojinta horumarka Isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada ee qeyb weyn ka ah horumarka dalka.

Gabagabadii Kulanka ururku waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

  1. Dhamaan Shirkadaha ku mideysan USIS waxay walaac ka muujinayaan, kana digeen isbarbaryaaca iyo khilaafka hareeyay Hay`adda Isgaarsiinta Qaran iyo Guddigii Isgaarsiinta ee khilaafka weynuu ka taagnaa dhismihiisa.
  2. Waxaa marag-­‐madoonte noqotay in dhibaatadii ay Shirkaduhu ka digayeen ay maantay timid ka dib markii Guddigii sharcidarada ahaa ee uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda si toos ugu hor yimid maamulkii Hay`adda Isgaarsiinta iyagoo ku andacoonay in ay iyagu yihiin cidda mas`uulka ka ah bixinta Ruqsadaha Isgaarsiinta. Iyadoo aan ogsoonahay in Xubnaha Guddigan oo intooda badan (75%) ay yihiin xubno ka tirsan Shirkado bah-­‐wadaag ah. Taas oo ka hor imaaneysaSharciga Isgaarsiinta iyo Habraacii lagu heshiiyay.
  3. Ururka Isgaarsiinta Soomaaliyeed wuxuu mar kale cadeynayaa in magacaabistii Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay markii horaba si toos ah uga hor imaneysay Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad “Iska-­‐hor imaadka Danaha Is-­‐diidan” (Conflict of Interest) ee cadeynaya in ruux xil ka haya ama si toos ah uga tirsan Shirkad Isgaarsiin ah uusan ka mid noqon karin Guddiga iyo Maamulka Hay`adda.
  4. Waxaa ayaandaro ah in Wasiirka Wasaaradda uu dhinac ka noqday mushkilada isagoo la saftay Guddigii sharci darada ah, islamarkaana uusan tixgalin madax banaanida Hay`adda sida ku Qod.7aad ee Sharciga Isgaarsiinta.
  5. Hay`adda Isgaarsiintu waa Hay`ad Qaran oo ay door wadatashi ku leeyihiin dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhinacyada ka shaqeeya Isgaarsiinta marka ay timaado magacaabista xubnaha Guddiga Hay`addu yeelanayso sida ku cad Qodka. 30aad ee Sharciga Isgaarsiinta.
  6. Ururku wuxuu baaq u dirayaa XFS in laga hortago murankan hareeray Hay`adda dhexdeeda iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira, lana dhiso Guddi cusub oo waafaqsan sharciga si loo xaqiijiyo xalaal-­‐ noqoshada Hay`adda.

==DHAMAAD==