Wasiir Cabdi Canshuur oo ka hor-yimid rukhsad siinta shirkadaha Isgaarsiinta dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hor-yimid warqad lagu amrayo shirkadaha isgaarsiinta qaranka inay qaataan rukhsadda dowladda, taasi oo kasoo baxday maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta qaranka.

Qoraalka wasiir Canshuur ayaa loo diray shirkadaha Hormuud, Somtel, Golis, Telsom iyo Amtel, waxaana wasiirka uu ku wargeliyey in rukhsadaha uu soo saaray Maareeyaha aysan waafaqsaneyn sharciga Isgaarsiinta oo aysan ku dhaqmi karin shirkadaha, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan ayaa banaanka usoo saartay loolan xooggan, oo la rumeysan yahay inuu dhaqaale salka ku hayo, oo u dhaxeeya wasiirka iyo hay’adda isgaarsiinta qaranka.

Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku doodaysa inay tahay hay’ad u madax banaan fulinta howlaha loo igmaday oo ay ku bixin karto ogolaanshaha rukhsadaha, waxayna cuskaneysaa qodobka 7aad ee Sharciga Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Xubno ka tirsan hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in maareeyuhu ay howshiisa tahay bixinta ogolaanshaha rukhsadaha, wasiirkuna uusan faro-gelin karin.

Waxay sidoo kale ku doodeen in wasiirka shaqo ku laheyn arrimaha rukhsad bixinta, balse uu leeyahay oo kaliya la socosho, laguna war-geliyey arrintan.

Inta badan shirkadaha Isgaarsiinta ayaa u hoggaansamay warqadii ka soo baxday Maareeyaha, iyagoo shubay lacagtii laga rabay ee ogolaanshaha rukhsadaha shaqo.

Hoos ka aqriso warqadda wasiirka