Karaash oo xilalka ka qaaday wasiiradii ku dhowaa Deni xilli ay kasii dartay xiisadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xiisaddii u dhaxeysay isaga iyo Saciid Deni ugu sii daray kadib markii caawa saqdii dhexe soo saaray wareegto uu ku magacaabay wasiir cusub.

Axmed Karaash ayaa wasiirada uu magacaabay wuxuu ku beddelay kuwo aad ugu dhowaa Saciid Deni, isaga oo aan shaacin xil ka qaadistooda, waxaana ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, maaliyada iyo amniga.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa wuxuu u magacaabay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo)

Wasiirka wasaaradda amniga iyo DDR-ta Puntland waxaa waxaa loo magacaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin), halka C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Magacaabistaan ayaa waxay dhaqan galeysaa isla caawa oo uu saxiixay ku-simaha madaxweynaha Puntland Axmed Karaash.

Puntland ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed iyadoo khilaafka madaxweyne ku-xigeenka iyo Saciid Deni ay ka dhalatay go’aanka is sharaxaada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee Deni isagoo aan xilka wareejin, waxayna taasi keentay khilaaf hay’addaha dowliga iyo maamulka ee Puntland dhexdooda.

Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho usoo kaxeystay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, si aan kalsooni looga keenin iyo in xarigiisa laga fur furo, taasoo uu ku guuleystay.