KASHIFAAAD: Faroole & xubno Axmed Madobe ku dhow oo wada qorshe lagu fashilinayo heshiiskii Addis-Ababa

Kismaayo (Caasimada online) Gudoomiyaha Gudigii  Doortay hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Maddoobe marna soo ahaa Gudoomiye ku xigeenka ururka Raaskambooni Macalin Maxamed Ibaraahim, iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa yeeshay kulan xasaasi ahaa, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arimha maamulka Jubba iyo dowlada Ssoomaaliya ,halka uu iminka xaalku marayo , iyo waliba qilaafka labada dhinac soo kala dhexgalay, kadib markii labada dhinca ay isku af  fahmi waayeen qaar ka mid ah qodobadii ay kusoo wada heshiiyeen .

Qilaafka dowlada iyo maamulka Jubba ayaa cirka isku sii shareeray kadib Markii dowlada Soomaaliya ay ka dhawaajisay in shir aayaha Jubbooyinka looga hadlayo lagu qabana Muqdisho , waxana maamulka Jubba ay sheegeen in shirkaas uu wajigiisii Koowaad Muqdisho ka furmay waxa la sugayaana ay yihiin in wajigiisa labaad uu Kismaayo ka furmo .

Maamulka Puntland ayaa hore u jaray cilaqaadkii kala dhexeeyay dowlada Soomaaliya taasi oo keeneysa in iminka Madaxweynaha Maamulkaas uu is xulafeysi la sameysto Mas’uuliyiinta maamulka Jubba , waxaana kulankii labada mas’uul ay si isku mid ah ugu wada hadleen arinta shirka dowlada ee Muqdisho iyo waliba qodobadii heshiika Adis ababa.

Faroole ayaa Macalin Maxamed Ibraahim ku qanciyay in maamulka Jubba looga baahan yahay inay go’anka aayahooda iyaga gaaraan , waxaana uu shaaciyay in heshisii Adis, uu yahay mid shirqool ah balse looga fadhiyo maamulka Jubba inay jawaab arintaas ka bixyaan.

Maamulka Jubba ayaa iska diiday ka qeybgalka shirka dowlada ay sheegta inuu ka furmayo Muqdisho 21-ka bishan kaas oo looga hadlayo aayaha Jubbooyinka iyo Gedo ,  waxaana Macalin Maxamed Ibraahim uu si cad u sheegay in Jubba marna aysan aqbali doonin arin aanan u qalmin sida la tilmaamay.

Dowlada iyo maamulka Axmed Madoobe oo siyaasad ahaan kala fogaa muddo ku dhaw sanad, dhawaana kusoo heshiiyay ayaa iminka waxaa muuqanaya in qilaafkooda uu cirka isku sii shareerayo, waxana Dhowaan wafdi uu hogaaminaya abaanduulaha ciidamada xooga dalka loo diiday inuu gudaha Kismayo u galo  iyadoona garoonka Diyaaradaha laga soo celiyay.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com