Kashifaad: DF SOMALIA oo ku jirta wada-hadallo qarsoodi ah oo halis ku ah badda SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mudooyinkaani dambe Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashigga Caalamiga ah ee Xukumadda Somalia Cabdisalaam Hadliye Cumar uu safaro is xigxiga ku gaarayay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya iyo dalalka Yurub, ayaa waxaa soo baxaayo warar arrintaasi ku saabsan.

Muse Jaamaca oo kamid ah DF Somalia gaar ahaan Hay’adaha ku howlan go’aan ka gaarista Muranka Badda Somalia, ayaa sheegay in DF Somalia ay wado qorsho ay ku baabi’ineyso dacwadii ay ka gudbisay Dowlada Kenya.

Waxa uu sheegay inuu socdo wada xaajood ka dhexeeya DF Somalia iyo Kenya, kaasi oo looga gudbaayo dacwada, islamarkaana Kenya ay dalbaneyso in Dowlada Somalia ay dib uga laabato dacwadahaasi.

Mas’uulkaasi ayaa sheegay in DF Somalia aysan ahmiyad gaar ah u arag inay ku mashquusho Dowladaha dariska la ah, balse tani ay tahay mid ay Dowlada Kenya ku qasabtay, iminka ay socto qorsho dib looga laabanaayo dacwada, waa hadii ay DF Somalia ay ku qanacdo codsiga ay soo jeedisay Kenya.

“Dacwadii laga gudbiyay Kenya weli wey hortaala maxkamada QM, balse waxaan rajeyneynaa inaan ka gudubno maadaama beesha caalamku ay ka caga jiideyso inay xal ka gaarto muranka Badda”.

“Waxaa jiro kulamo gaar ah oo aan la yeelanay Dowlada Kenya, waxa ay dalbatay in DF Somalia ay dib uga laabato go’aanka ay dacwada ku gudbisay, balse waxaan mudnaanta siin doonaa inay cadeeyan in murankaasi ay meesha kasaarayaan iyo inuusan dib usoo laaban. hadii laga dareemo siyaasad gurcan, dabcan anaguna wan is hortaagi doonaa”

Waxa uu rajo ka muujiyay in Dacwadahaasi ay kusoo idlaan doonto si guul ah, wuxuuna carabka ku dhuftay in DF Somalia ay ka go’an tahay inay meel uga soo harto murankaasi.

Dhanka kale, go’aanka ay DF Somalia sida qarsoodiga ah uga laabaneyso dacwadahaasi ayaa waxaa walaac ka muujiyay Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan BF Somalia oo dhaayaha kala socda siyaasada ay damacsan tahay dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com