Xog: Xasan Sh. oo amray in lasoo xiro Col. Koofi iyo arrin yaab leh oo xalay ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu xalay amar ku bixiyay in la soo xiro Kaaliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Tani waxay ka dambeysay markii Kaaliyaha iyo Madaxa Hawlgalada Hay’adda Nabad Suggida C/fataax Ibraahim Cumar (Shaaweeye), ay xalay Garoonka Aadan Cadde xoog kaga soo kaxeeyen C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika), oo ah Suxufi Warbaahinta Dowladda ka tirsan.

C/casiis Afrika oo maalmahaanba booqasho ku joogay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa fiidnimadii xalay ka soo degay Garoonka Aadan Cadde. Waxaana ka taalay warqad digniin ah oo lagu soo xiri karo.

Koofi iyo Shaaweeye
Koofi iyo Shaaweeye

Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Qaranka Axmed Cali Abuukar oo warqadda digniinta soo saaray, ayaa laamaha ammaanka ku wargeliyay in ninkaasi la soo xiro, ka gadaal markii ay ashtako ka soo gudbiyen hablo ganacsato ah.

Madaxweynaha Somaliya oo booqasho ku joogga Magaalada Garoowe, lana gaarsiiyay in C/casiis Afrika laga horjoogsaday in la soo xiro, ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in la soo xiro Koofi.

Sarkaal Madaxtooyada Somaliya ka tirsan, ayaa sheegay in Koofi uu ka horyimid amarka lagu soo xiraayo, isagoona Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare u sheegay inaanu soo xiri karin, haddii kalana uu is difaaci doono.

Tuuryare, ayaa ku waramaya in amarkan uu yahay mid ka yimid Madaxweynaha, oo aanu ahayn mid isaga xagiisa ah, ha yeeshee uu Koofi soo joogsaday inaanu diyaar u ahayn in la xiro.

Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ah Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa wuxuu wadaa dadaalo looga hortagaayo inay isku dhacaan Koofi iyo Tuuryare.

Saraakiisha Nabad Suggida iyo Booliska oo ku wada xiriiraaya teleefanadooda gacanta, ayaa waxay ku wada sheekeysanayan amarka uu Madaxweynaha Soomaaliya ku bixiyay in la soo xiro Koofi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com