KASHIFAAD: Ugaarsi lagu hayo Soomaalida ku nool…..!

Dadweeynaha ku nool qaxootiga ayaa ka cabanaya amni xumo sii baaheeysa oo ka jirto xeryaha qaxootiga ee ku yaalo Dhadhaab. Isbuucan waxaa toogasha lagu dilay afar qof.

Dilkii ugu danbeeyay ayaa shalay lagu dilay xerada qaxootiga ee Xagardheere askari ka tirsanaa waaxda sirdoonka Kenya ee CID. Waxaa lagu dilay gudaha masjid ku yaallo xeryaha maalintii ciida. Waxaa la toogtay isagoo akhrisanayay Qur’aan.

Kol sii horeeysay isbuucan ayaa meeydka sedax nin oo xoogsato ah laga helay duleedka xeryaha. Goobjoogayaal ayaa sheegay in nimankaasi la dilay jirkooda ay ka muuqtay rasaas lala dhacay

Qaxootiga waxa ay sidoo kale ka cabanayaan burcad geeysato dhac oo gaar ahaan dadka dhaca xiliyada habeenkii.

Majirto wali cid loo soo qabtay dilalkani. Boolisku waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan cidda ka dambeeysa dilalkan.

Qaxootiga ku nool xeryaha ayaa boliiska ku eedeeynayo in ay waxba ka qabanin sugida amniga xeryaha.

Amni xummida ayaa waxa ay saamayn ku yeelatay isku socodka iyo ganacsiga xeryaha gaar ahaan xiliyada habeenkii.