Lionel Messi: Waxa ugu dambeeya ee aan ka fikiraayo waa inaan Jebiyo Rikoorka Pele.

Weeraryahanka kooxda Barcelona  Lionel Messi ayaa sheegay in jebinta rikoorka Pele ee goolasha hal sano uu dhaliyey ay tahay waxa ugu dambeeya ee uu ka welweli doono wuxuuna ku daray inuu diirada saarayo inuu kooxdiisa guulo ka ciaawiyo.

kabtanka xulka Argentina ayaa xalayto dhaliyey goolashiisii 72aad iyo 73aad ee sanadkaan kulankii ay wajaheen Rayo Vallecano, wuxuuna ku dhow yahay inuu jebiyo rikoorkii halyeeyga reer Brazil ee 75 gool ahaa iyo rikoorka taariikhiga ah ee Gerd Muller oo ah 85 gool.

“Inaan jabiyo rikoorka Pele waa waxa ugu danbeeyay ee aan ka walwali doono,” ayuu Messi u sheegay suxufiyiinta. “Waxaan guul ku gaarnay garoon ay adag tahay in lagu badiyo, taas ayaana ah muhiimada ugu weyn.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.