Keating oo ka hadlay haddii ay DF la ogeyd ka qeyb galkiisa shirka Kismaayo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Iyadoo ay muran badan ka taagneyd sababta keentay in Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ee waqtigiisa sii dhamaanayo Michael Keating uu ka qeybgalo kulanka madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo ka dhan ah dowladda Federaalka ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Michael Keating oo sharaxay sababtii keentay inuu kulankaas ka qeybgalo.

Ugu horreyn Michael Keating ayaa ku sheegay sababtii uu kulankaas uga qeybgalay inay aheyd inuu macsalaameeyo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe isla markaasna uu ka shaqeeyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa.

Michael Keating oo ka jawaabayey su’aal aheyd inuu dowladda Soomaaliya ogeysiiyey ka qeybgalka kulankaas ayaa ku jawaabay

“Haa waxaan casuumaad ka helnay Golaha Iskashiga Dowlad Goboleedayda caadiyan kulamadaan oo kale kama qeyb geli jirin balse waxaan ugu talo galay inaan ku macsalaameeyo dhamaan hoggaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya maadaama aan Shaqada”

Michael Keating ayaa shirka Kismaayo ka hor sheegay inuu Madaxda Maamul Goboleedyada kala hadlay sidii loo xallin lahaa khilaafka kala dhaxeeyo dowladda dhexe isla markaasna looga heshiin lahaa sidii loo wada qeybsan lahaa kheyraadka dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu Kismaayo u joogo in uu dhageysto hadalada Madaxda Soomaalida inta uusan ka qeyb gelin Shirka Amniga ee Qaramada Midoobey oo 10 Maalin kadib ka dhacaya Magalada Newyork ee dalka Mareykanka,isla markaana uu  la kulmi doona Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay si aan ugu gudbiyo  hadalada hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida.

Dhanka kale Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow dhow madaxda ayaa sheegay in kulamada xalay ay gaareen ilaa waqti dambe, maadaama madaxda ay aad u gorfeynayeen waxyaabaha diirada lagu saarayo Warmurtiyeedka laga soo saarayo Shirka.

Madaxda qaar ayaa qabay in Ahmiyadda la siiyo sidii dowladda Soomaaliya ay ka madax banaanaan laheyd doorashooyinka ka dhacaya maamulada qaar, halka madaxda kalana ay qabeen in ahmiyadda la siiyo xaaladaha amaanka iyo xalinta tabashooyinka ay qabaan.

Maanta ayaa la filayaa in shirka lasoo gabogabeeyo, laakiin jadwalka shirka ayaa ku asteysan inuu dhamaanayo maalinta beri ah oo 7 bisha September ku beegan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com