Sawirro: Dowlada Somalia oo shaacisay afarta qodob ee HESHIISKA ASMARA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dalalka  Ethiopia, Somalia iyo Eritrea oo la sheegayo inay wadaagaan darsinnimo, taariikh, dhaqan iyo diin ayaa waxyaabaha ay madaxdooda ku heshiiyeen waxaa ka mid ah: in la ixtiraamo madaxbannaanida, qarannimada iyo bad-qabka dhlueed ee dal weliba.

Si, haddaba xiriirka taariikhiga ah loo xoojiyo, dalalkaasi waxaa ay ku heshiiyeen inay ujeedooyinka 4ta ah ee soo socda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

1. Saddexda waddan waxay yagleelayaan iskaashi sare oo fududeenaya gaarista yoolka shucuubtooda.

2. Saddexda waddan waxay abuurayaan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.

3. Saddexda waddan waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.

4. Saddexda dowladood iyagoo ka duulaya heshiiskan waxay dhisayaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.