War-murtiyeedka SHIRKA Kismaayo oo khilaaf xoog leh uu hareeyey iyo Shariif Xasan oo wakiil ka ah DF

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada dalka ee halkaasi ku shirsan ay weli sii wadaan kulamo kala gaara oo uga socda magaalada Kismaayo.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa labadii habeen ee ugu danbeysay waqti dheer ku qaatay falanqeynta arrimaha kala dhaxeeya dowladda Federaalka oo ay eedo badan ka tirsanayaan, waxaana dooda ugu weyn ka taagan tahay War-murtiyeedka laga soo saarayo shirka Kismaayo.

Ilo ku dhow shirka ayaa sheegay in qaar ka mida madaxda maamul goboleedyada ay wadaan dadaal ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka dhex taagan madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka, waxaana markii hore arrintan ku dhex jiray madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo qorshihiisa socon waayey.

Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la xaqiijiyey inuu isga dab qaadayo labada dhinac, ujeedkuna yahay inuusan shirka ka soo bixin war-murtiyeed sii xumeyn kara xiriirka aan fiicneyn ee dowladda Federaalka iyo madaxdaasi.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa ugu xag jira khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka iyadoo mowqif adag ka taagan arrinta, laakiin waxaa mowqif debacsan la yimid madaxweynayaasha Puntland iyo K/Galbeed.

Maanta ayaa la filayey in shirka lasoo gabogabeeyo, waxaase jadwalka shirka ku qoran inuu dhamaanayo maalinta beri ah oo 7 bisha September.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com