25.3 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Keating oo sawiray qaabka doorashada 2016-ka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Mr Michael Keating, ayaa si faahfaahsan uga hadlay qaabka ay u dhici doonto Doorashada Somalia ee kusoo beegan dabayaaqada 2016-ka.

Keating, waxa uu sheegay in Caalamka oo idil uu dhaliil ka muujinaayo in Somalia xiligaani ay ka dhacdo doorasho, waxa uuna tilmaamay in Madaxda Soomaalida looga baahan yahay in Caalamka ay tusaan in Somalia ay ka dhici karto doorasho u muuqaneysa isku filnaan.

Mr Keating, waxa uu faramuuqay Madaxweyne Xassan, Axmed Madoobe, Shariif Xassan, Gulleed iyo C/wali Gaas oo uu sheegay in iyaga ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhicitaanka doorasho xalaal ah, waxa uuna ka digay in leysku dayo in doorashada loo adeegsado qaab qaldan.

Waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka ay wado Siyaasadeed u dajisay Somalia, qaabkaasi oo sahli kara Horumar laga gaaro doorashada iyo in Madaxda Soomaalida ay ka gudbaan waxa loogu yeero faquuqa.

Keating, ayaa dhaliil ka muujiyay Dowlada Federaalka oo aan wali muujin calaamadaha lagu garto dal ay Doorasho ka dhaceyso, waxa uuna si gaar ah u carab dhabay inaanu muuqan ololihii doorashada.

Beesha Caalamka ayuu sheegay inay u muuqato guulo ka dhalankara doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia, waxa uuna arrin wanaagsan ku tilmaamay qaabka ay Dowlada u qorsheyneyso doorashada.

Docda kale, Michael Keating, ayaa ka digay in dowladu ay ka kaabiso difaaca shacabka Soomaaliyeed mudada ay socto doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News