Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating, oo wali ku howlan xal u helida Khilaafka ka taagan qaadashada nidaamka 4.5, ayaa mar kale sheegay in Beesha Caalamka ay ka go’an tahay in mar waliba ay garab istaagto Dowlada Somalia.
Michael Keating, waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay ka go’an tahay inay ka dhabeyso rabitaankeeda ah in Somalia ay ka dhacdo doorasho loo maraayo qaab 4.5, waxa uuna farta ku goday in Adduunka oo idil ay ku wargaliyeen in Puntland ay gooni isaga faquuqeyso Dowlada Somalia.
Mr Michael Keating oo mowqifka adag ee Puntland ka duulaaya ayaa cadeeyay in goortii la gaaro xiliga doorashada ay u qorsheysan tahay 2 arrin oo aan go’aan kale ka danbeyn.
1- Qodobka koowaad ayuu sheegay inuu yahay in Puntland ay maalmo un ka hor doorashada la furaan wadahadal, haddii ay la kulmaan mid lamid ah Mowqifka ay hada qaaten ay iyaguna tashan doonaan islamarkaana ka maarmi doonaan Puntland.
2-Qodobka labaad oo ay qaadan doonaan ayuu sheegay inuu yahay inay la imaadan Xubno kamid noqon doona Baarlamaaka Cusub kuwaasi oo doorashada ku matali doona Puntland si aysan u dhicin xad gudub.
Michael Keating, waxa uu carabka ku dhuftay in Beesha Caalamka aysan diyaar u aheyn inay laqdabeyso Hanaanka Siyaasadeed ee Somalia, sidaa aawgeedna ay qaadan doonaan go’aan caksi ku ah Puntland balse ay shacabkeeda ku heli doonaan xuquuqdooda.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka 2 qodob ka kooban ee uu ku dhawaaqay Mr Michael Keating, ayaa caqabad hor leh ku noqon doona Maamulka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

