Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Micheal Keating ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay dhex maquureyso Caqabado dhowr.
Micheal Keating, ayaa sheegay in Caqabadahaasi ay kamid yihiin Siyaasada, Amniga, xuduudaha iyo isku dhacyadda Bulshadda Soomaaliyeed.
Keating waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in Adduunka uu garwaaqsado in Somalia lagu garabsiiyo xal u helida Caqabadaha horyaal.
Keating waxaa uu sheegay in dowladaha Caalamka laga doonaayo in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay ka liidato dhinacyo badan oo xalintooda ay muhiim tahay.
Waxa uu carab dhabay inaanu muhiim aheyn in Caalamka ay u muuqato keliya Somalia oo kasii hormareysa halka ay iminka taagan tahay, balse ay muhiim tahay in la eego dhinacyada ay ka jirto cilada.
Sidoo kale, Danjiraha waxa uu tilmaamay in kumanaan qof ay wali ku jiraan Barakac ay sababeen Abaaraha iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagixisadda ah.
Dhinacyada Amniga iyo Siyaasada ayuu sidoo kale sheegay in dowlada Somalia ay ka liidato, waxa uuna ku baaqay in loo istaago sida Somalia lagu caawin lahaa.
Geesta kale, Keating ayaa Madaxda dalka ugu baaqay inaanu ka daalin la shaqeynta iyo garabsiga dowladaha adduunka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

