Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan Mooshinka laga gudbinaayo Xukuumada uu Hogaamiyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre, kadib dhaliilo ay u jeediyeen Xildhibaano isbiirsaday.
Wararka qaar waxa ay tibaaxayaan in Ra’isul wasaaraha uu waxbadan ka ogyahay Mooshinka diyaarintiisa uu socdo.
Ra’isul wasaaraha ayaa la xaqiijiyay in abaabulka Mooshinka uu ula gol leeyahay fursad loo helo isbedel lagu sameeyo Golaha Wasiirada oo qaarkood aan buuxin sifaadkii laga filaayay.
Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa laga soo xigtay in Kheyre uu labadii bil ee lasoo dhaafay ka shaqeynaayay nidaam sharci ah oo lagu jaanrogo Golaha Wasiirada, si loo helo Wasiiro cusub oo ka duwan kuwa iminka shaqeeya.
Kheyre ayaa la xaqiijiyay in sidoo kale uu Khilaaf kala dhexeeyo tirro Wasiiro ah, kuwaa oo ka hor imaaday qorshooyin dhowr ah oo uu waday Ra’isul wasaaraha.
Sidoo kale, qorshaha Mooshinka ayaa ah in Ra’isul wasaaraha la horgeeyo baarlamaanka isla markaana fursad loo siiyo in waxbadan uu ka bedelo shaqooyinka Golihiisa, waxaana xigi doona in dhammaan Wasiirada lagu sameeyo Xil ka qaadis iyo Isku shaandheyn.
Xogtaani ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xili Xildhibaan Mahad Salaad uu banaanka soo dhigay in Mooshinka socda uu yahay mid ay abaabuleyso Xukuumada Somalia.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Mooshinkaasi uu yahay mid aanu ku lug laheyn Xildhibaanada, balse ay abaabulayaan Xubnaha Xukuumada.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan la xaqiijin karin sida uu ku dhaqan gali doono Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

