KEATING oo war cusub ka soo saaray DOORASHADA Somalia ka dhaceysa 2021

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Amb. Michael Keating, ayaa sheegay in Somalia ay xiligan u baahan tahay Xisbiyo Siyaasadeed oo xadidan.

Amb. Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Somalia ay kasoo kabaneyso dhibaatooyin sanado badan qaatay oo laga dhexlay dhicitaanka dowladii Dhexe, sidaa aawgeedna ay muhiim tahay in la sameeyo axsaab Siyaasadeed xadidan.

Keating, waxa uu sheegay in Xisbiyada ay aad u wanaagsan yihiin hase yeeshee aan la joogin xili Somalia laga sameeyo Sodomeeyo Xisbi oo qaarkood aan laheyn miisaan.

“Waa arrin wanaagsan in Somalia hanaanka qabiilka uga gudubto hanaan axsaabeed, waxaa muhiim ah in la xadido axsaabta Siyaasada si ay khiimo u yeeshan tirada jirta”

“Somalia xiligaan uma baahna Sodomeeyo xisbi waayo waxaa adkaaneysa loolanka iyo ahmiyada loo aasaaso xisbiyada, waxaa muhiim ah in la helo xisbiyo xadidan oo tayo leh”

Amb. Michael Keating, ayaa Xasan Sheekh ku dhiiri galiyay in laga shaqeeyo sida lagu xadidi lahaa xisbiyada badan ee mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ah, waxa uuna ku taliyay in la sameeyo ilaa Seddex xisbi oo awood leh, si ay u sahlanaato in lagu tartamo xisbiyo.

Haddalka Amb. Michael Keating, ayaa u muuqda mid lagu dhiiri galinaayo Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Siyaasada dalka oo iyagu gaaraya ilaa Sodon Xisbi Siyasadeed, waxaana harsan tirro kale oo aan wali la diiwaan galin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com