Keebaa siyaasi dhab ah Axmed Madoobe iyo Cabdi Weli Gaas?

Muqdisho(Caasimada Online):- Inkastoo Siyaasiyiinta dalka ay ka siman yihiin hagardaamada ay u maleegayaan dalka, hadana waxaa muuqaneysa in Siyaasiyiinto ay kala mudan yihiin marka loo eego xaaladadah is biirsaday ee dalka ka jira.

Is barbar dhiga Siyaasiyiinta hogaamisa Siyaasada dalka, gaar ahaan Jubbalan iyo Puntland ayaa waxaa si siman Siyaasada uga dhexmuuqda Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas.

Axmed Madoobe ayaa marka aan la barbar dhigno C/wali Gaas kaga duwan dabeecado gaar ah marka loo eego tanaasulka iyo eegida Maslaxada dalka.

Madoobe oo Siyaasada kaga danbeeyay C/wali Gaas ayaa mar waliba Siyaasadiisa ku saleeya laba jiho oo kala ah tan isaga u gaarka ah iyo tan danta guud waxa uuna ka samir badan yahay Madaxweynaha Puntland oo isaga ku sifoobay sad bursi iyo iska dhicin.

Madoobe waxa uu inta badan qaataa talooyinka guud isaga oo xiliyada qaar ka jeesta tan isaga u gaarka ah, waxaana xusid mudan in dhanka Siyaasada uu kaga jilicsan yahay C/wali Gaas oo doonaaya in xiliyada qaar shuruucda dalka uu ku burburiyo awood Siyaasadeed.
Axmed Madoobe waxa uu Siyaasadiisa ku saleeyaa marxalada kolba markaasi la taagan yahay isagoo ku dhiirada Tanaasul, damacsani, eegida danaha guud ee lama dhaafaanka ah, halka C/wali Gaas uu ka yahay mid ka shidaal qaata dadka rayidka ah si uu ugu siinagaado xilka uu iminka hayo.

Marka la eego dhanka qabiilka C/wali Gaas waxa uu danaha guud ka hormariyaa tan qabiilkiisa, isaga oo sharciga iyo kala danbeynta u fahma mid aan micno ku fadhin.

Gaas waxa uu aaminsan yahay in Siyaasadu tahay kala bedelasho, waxa uuna mar waliba yahay nin jecel in qodob laga weecdo ka tanaasulkiisa uu ku bedesho baahidiisa gaarka ah.

Siyaasad ahaan waxa uu C/wali Gaas qabaa Sad bursi, ka dhexmuuqashada maamulada kale iyo in dowlada Somalia uu kala weecdo xaqiiqda jirta isaga oo u jiheysanaaya dhanka Khilaaf Siyaasadeedka oo ah mida keliya uu ku caanbaxay.

Waxaa dhacda in xiliyada qaar uu saaxiibkii Axmed Madoobe ku cadaadiyo in duruufaha jira ay uga faa’iideystaan dowlada, hayeeshee waxaa taasi qaadaca Axmed Madoobo oo u muuqda mid iska ilaalinaaya inuu ku sifoobo Siyaasad xumida C/wali Gaas.

C/wali Gaas waxa uu aaminsan yahay in Puntland ay ka weyn tahay dowlada Somalia, taasi oo micnaheedu tahay maangaabnimada Siyaasadiisa, walow abuurka khilaafka uu isku dayo inuu ku gaaro dano gaar ah oo markaasi uu tiigsanaayo.

Sidoo kale, marka la eego isbarbar dhigaani Axmed Madoobe waxa uu aalaaba isku dayaa inuu heshiisiiyo dowlada iyo maamulka Puntland haddii ay jiraan khilaafyo aan la hureynin in xal loo helo, waxa uuna dhowr jeer ka shaqeeyay isku keenista Xassan Sheekh iyo Gaas, isaga oo mar waliba ahaa shaqsiga u kala dabqaadaayay.

Madoobe waxaa sidoo kale, Siyaasadiisa qunyar socodka ah qeyb ka ah inuu xal ka dhex abuuro maamulada dalka, iyadoo ay tusaale u tahay xal ka gaaristii khilaafka dhiiga badan ku taagay ee u dhexeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug.

Siyaasad ahaan Axmed Madoobe ayaa ku horeeya ku dhaqanka Siyaasada marka aad daraaseyso habdhaqankiisa, halka C/wali Gaas uu ka yahay mid mar waliba u taagan dood iyo khilaaf aan sal iyo baar ku laheyn waaqica iminka lagu jiro.

Somalia ayaa xiligaani u baahan Siyaasiyiin isku dhexwada danaha maamulada ay kasoo jeedan iyo tan guud ee Qaranka muqadaska u ah.
Si kastaba ha ahaatee, tani waxa ay C/wali Gaas u horseedi kartaa in aakhirkii uu ku dhaco af libaax, maadaama Gaas uu qaab khaldan u fahmay Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com