Sawirro: Gaas oo ciidamadiisa la shiray xilli xiisadda Galmudug ay…

Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali gaas uu kulan deg deg ah la qaatay saraakiisha ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland.

Kulankaasi oo ahaa mi deg deg ah ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas, ku xigeenkisa iyo dhamaan saraakiisha ciidamada Puntland, kaasi oo ka dhacay magaalada Garowe.

Wararka aan ka heleyno shirka ayaa sheegaya in diirada lagu saarayo labo arimood oo dhanka amaanka ah.

Waxaa ugu horeyn diirada lagu saaray shirkaasi amaanka magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo la filayo iney ka dhacdo doorashada xubnaha maamulkaasi u matalaya aqalka sare ee dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saray kulankaasi xiisada cusub ee ka taagan gobolka Mudug, taasi oo u dhaxeyso maamulada Puntland iyo Galmudug.

Kulanka oo saxaafada aanan loo ogolaan ayaa waxaa wararka ay sheegayaan in la shaacin doono natiijadalaga gaaray kulanka deg deg ahaaa.

01 02 03