Xasan oo ajaafeeyay dadkii uu u talinayay xili wakhtigu ka hiiliyay

Muqdisho(Caasimada Online):-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay muujiyay dhaliisha uu u qabay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladiisu ay caqabado kala duwan kala kulanto qeybaha kala duwan ee Shacabka waxa uuna sheegay in inta badan shacabka ay yihiin kuwo aan u nugleyn dowladnimada.

Dadka qaar ayuu sheegay in qaab khaldan ay u fahmeen dowladnimada, halka qaarna ay yihiin kuwo daneeya inay is hortaagan Siyaasada uu dalka ku talaabsanaayo.

Waxa uu tilmaamay in qadiyada Somalia ay intooda badan ka hormariyaan tooda gaarka ah waxa uuna cod dheer ku sheegay in fashilka uusan aheyn mid ku eg dowlada balse uu dhankooda ka imaaday, intiisa badan.

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in arrimahaas oo dhan looga gudbi karo oo kaliya in qof weliba oo ka shaqeeyo horumarka dalkiisa.

”Dadka Soomaaliyeed ha iska daayaan Nin Jecleysi balse ha eegaan dhanka san, waana midda naga reebtay asaageen Nin Jecleysiga”.

Hadalka Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya iyadoo inta badan qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ku eedeeyaan dowladda uu majaraha u hayo Madaxweynuhu mudada ay jirtay ay ku fashilantay xagga dhaqaalaha iyo Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com