“Nin ururinaya hubkii nalagu dili lahaa wakhti kuma lumineyno”

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo magaalada Cadaado uu ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa, ayaa waxaa joogitaankiisa lagu micneeyay abuurista colaado hor leh oo dhexmara Galmudug iyo Ahlusunna.

Maamulka Ahlusunna ayaa sheegay in xili hore ay ka tashteen la hadalka maamulka Galmudug, waxa ayna sheegen in ujeedka Odawaa ee magaalada Cadaado uu yahay mid ku saleysan abaabulka dagaal ka dhan ah Ahlusunna.

Afhayeenka Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca Mursal Maxamed Xeefow, ayaa sheegay inay la socdaan in Odawaa uu ka shaqeynaayo dagaal dhexmara maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, waxa uuna cadeeyay inay hayaan cadeymo ku aadan in Wasiir Odawaa uu ku goodiyay in Ahlusnna ay dagaal uga qabsan doonaan dhulka ay heystaan.

Mursal Maxamed Xeefow waxa uu yiri ”Wax wadahadal ah lama fureyno Galmudug sidii aan horey u sheegnay , Wasiirkuna waa kii Hobyo ka yiri dagaal ayaan ku qaadeynaa Dhuusamareeb oo nabad diidku ku sugan yihiin”

”Odawaa iyo Galmudug kama sugeyno nabad iyo xasilooni ee waxaan ka sugeynaa xabad iyo ugaarsi”

”Iskaba daaye inaan la fadhiisano Odawaa iyo Galmudug ee aragtidooda ayaan ka xignaa dagaal, meeshooda hanaga joogan yeysan nasoo gaarin”

Nin hubkii nalagu dili lahaa cadaado ku uruurinaayo wakhti kuma qasaarineyno”

Afhayeenka Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca Mursal Maxamed Xeefow, ayaa sheegay in wada hadal uusan imaan doonin iyadoo aan Ahlusunna laga qancin tabashadeeda.

Haddalka Xeefow ayaa imaanaya iyadoo DFS ay si cad ugu guul dareysatay inay isku soo dhaweyso maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com