Ilhaan Cumar oo fadeexad laga faafiyey iyo Soomaali ku lug leh

Minneapolis (Caasimada Online) – Saxaafadda Mareykanka qaarkeed ayaa dabagal iyo faafin ku sameysay fadeexad guur oo lugaha la galeyso gabadha Soomaaliyeed ee dhowaan ku guuleystay doorashadii wareega koowaad ee Golaha degaanka Minnesota Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa ka guuleysatay iyadoo ka adkaatay haweeney lagu magacaabo Phyllis Kahn oo muddo dheer heysatay kursiga degmada 60B. Guusha Ilhaan kadib waxay qarka u saaran tahay inay doorashada November noqoto haweeneydii ugu horeysay ee oo doorto inay ka mid noqoto golaha sharci dejinta Minnesota.

Warka fadeexada laga dhigay ayaa waxaa markii hore soo qoray website Soomaaliyeed, waxayna ku saavsan tahay in Ilhaan Cumar ay walaalkeed guursatay si ay u keento dalka Mareykanka, guurkaas oo sharci darro ka ah Minnesota iyo diinta islaamka ee ay heysato.

ilhanWebsite-ka Soomaalida ee qoray arrintan ayaa soo bandhigay sawiro iyo qoraalo ku saabsan arooska been abuurka ah oo laga diiwaan geliyay magaalada Minnesota, waxaana arrintan oo dad dhowr fekrado ka dhiibteen laga saaray website-kaasi (somalispot.com), laakiin waxay noqotay arrin ay dabagalaan saxaafadda arrimahan ku howlan, waxaana ay xaaladu mareysaa meel halis ah.

Sheekada ku saabsan fadeexada lagala daba wareegayo Ilhaan Cumar ayaa su’aalo dhowr ah la iska weydiinayaa kuwaasoo ay ka mid yihiin:

1. Ilhaan oo u dhaxda ninka lagu magacaabo Ahmed Hirsi oo ay guursatay 2002 , ayna u dhashay saddexda caruur ee ay leedahay. (Goormee ayay kala tageen?, sideese guurkooda ku dhammaaday, iyadoo la ogyahay inuu yahay ninka ay hadda u dhaxdo ee ku sawiran boggeeda shaqsiga ah).

2. Guurka labaad waxaa la sheegay inay Ilhaan guursatay Nin lagu magacaabo Axmed Nuur Siyaad Cilmi sanadkii 2009-kii. (ninkan ayaa la sheegay inay walaalo yihiin, sidaasina uu ku tegay Mareykanka isagoo jaamacad ka galay US, kadibna muddo ku noolaa, kuna laabtay UK- Guurkan ayaa u muuqda mid ujeedkiisu ahaa in Ilhaan ay walaalkeed ku heysto mareykanka oo qura).

Baaritaanka saxaafadda Mareykanka waxaa ka soo baxay in labada guur ee Ilhaan Cumar ay diiwaan gashan yihiin, isla markaana madaxa xafiiska arrimahan qaabilsan uu sheegay haddii ay dhacdo in Ilhaan ay guur la walaalkeed iyadoo guurkeedii hore jiro ay noqoneyso dembi lagu muteysan karo xabsi 6 sanadood ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 10,000 Doolar

Saxaafadda Gobolka Minneapolis ayaa wada baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan arrintan, waxaana afhayeenka Ilhaan iyo madaxa ololaheeda la weydiiyay su’aalo ku saabsan arrinta, iyagoo sheegay inay tahay been abuur lagu doonayo in lagu waxyeelo sumcadda Ilhaan, dadka waxaas fidiyayna ay yihiin kuwo caddow ah oo diidan iyo haweeney Muslim ah oo ka timid Bariga Afrika ay ku guuleysato kursiga ay u loolameyso.

il1il2il3il4il5

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis 

caasimada@live.com