Tallaabada Sheekh Shariif oo walaacisay Xasan iyo Dam-Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo isbahaysigiisa Damul Jadiid ayaa ka naxay xaqiijinta musharaxnimo ee Madaxweynihii KMG ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed, iyaga oo waayadii dambe ku waday dacaayado ah inuusan lacag haysan oo uusan isa soo sharixi karin.

Damul Jadiid iyo Xasan waxa niyad jab ku noqotay socdaalada siyaasadeysan ee  Shariif ee dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, iyo xiriirka ka dhaxeeya Shariifka iyo dowlad goboleedyada dalka kuwa ugu awooda weyn, iyada oo ay u cadaatay inay beenoowdey lacag ma haystadii ay isku qancinayaan Madaxweynaha iyo xulufadiisa, waxaana u muuqta in tartanka doorashada mar hadii uu soo galo shariifka ay u dhamaatay.

Dhowr jeer oo hore waxay ku fashilmeen isku dayo ay ku doonayeen in beesha Mudullood ay ku qanciso Sh Shariif M/weynihii hore inuu u tanaasul Xasan oo uusan tartankan 2016 isa soo sharixin, taasi oo guud ahaan ay iska diideen beesha mudulood iyo waliba beelaha Hawiye oo hadda wada qaban qaabada shirar ay ku taageerayaan musharaxnimada M/weynihii hore Shariif Sh Axmed loogana soo horjeedo M/weynaha xilligiisu uu sii dhamaanayo ee Xasan Sh Maxamuud.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ayaa si rasmi ah ugu wajahan Soomaaliya, halkaasi oo uu kaga dhawaaqi doono musharaxnimadiisa, iyada oo dadweynaha ku dhaqan gobolada dalka ay wadaan qaban qaabada munaasabado lagu soo dhaweynayo, iyaga oo u arka inuu ahaa M/weyne Soomaaliya raja ku abuuray, hadii uu soo laabtana sii dhamaystiri doona howlihii uu ka tagay ee ay dowladda maanta jirta ku guul dareystay inay wax ka qabtaan.

Mid kamid ah odoyaasha dhaqanka ugu caansan Soomaaliya ayaa laga soo xigtay ” in shariifka oo soo laabta ay Soomaaliya uga dhigan tahay guul iyo dowladnimo la gaaray, dowladda maanta jirtana ay ku fashilan tay guud ahaan wixii loo xilsaaray”.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa iyaguna aad u sheegay in shariifka kadib aysan xitaa helin mushaaraadkoodii iyo daryeelkii ay horey u heli jireen, ayna aad u jeclaan lahaayeen wax dhaama dowladda maanta joogta oo aan sanad iyo bar siin wax mushaar ah ciidanka qalabka sida, kuwaad 6 bilna bixin mushaaraadkii shaqaalaha rayidka, taasi oo loo arko in lagu galayo tartan dhaqaalihii loogu talagalay ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com