Sawirro: Askartii Amisom ee lagu qabtay xatooyada oo la ciqaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad sagaal askari oo kamid ahaa ciidamada Uganda ee AMISOM kamid ah ayaa lagu helay dambigii lagu eedeeyay oo ahaa iney fal xatooyo sameeyeen, waxaana xukuntay maxkamada dalka Uganda.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Uganda ayaa sheegtay in sagaalkaasi askari lagu helay iyaga oo qaab xatooyo ah ku iibinaya shidaalka loogu talo galay ciidamada AMISOM, waxaana bishii June ee lasoo dhaafay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Askartan oo saraakiil ay ku jireen ayaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeyo sanad ilaa seddex sano, sida maxkamada ciidamada qalabka sida ay shaacisay, kadib markii la sheegay iney ku dhaqaaqeen dano gaar ahaaneed oo halis ku ah ciidamada AMISOM.

Dick Olum oo ah gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Uganda oo bishii lasoo dhaafay Muqdisho soo gaaray isaga iyo saraakiil kale ayaa ku dhawaaqay xukunta lagu riday askartan.

Warar kale ayaa sheegaya in seddex kamid ah ciidamada dambiyada lagu helay laga eryay ciidannimada, waxaana loo sheegay ineysan heli doonin wax dhaqaalo oo ku saabsan muddadii ay shaqeeyeen.

xukun-amisomxukun-amisom1xukun-amisom2