KEATING oo ku gacan seeray qorshihii Xasan (Dhabarjab siyaasadeed)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya Michael keating ayaa runta u sheegay isna hortaagay qorshe uu watay M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xulufadiisa Damul Jadiid, kaasi oo ahaa in M/weynuhu yeesho go’aanka ugu dambeeya ee soo xulista xubnaha dooranaya labada aqal ee dooran doona M/weynaha, taasi oo si weyn ay u la yaabeen beesha caalamka.

Amb: Keating ayaa u sheegay M/weynaha inaysan suurtagal ahayn in wax laga bedelo go’aamadii madasha qaran iyo dowladda ay wada gaareen, taladana ay tahay mid lawada leeyahay oo aysan jirin cid si gaar ah u yeelan karta go’aanka ugu dambeeya, waxana uu ugu baaqay M/weynaha iyo xulufadiisa inay u diyaar garoobaan tartan xalaal ah oo dhex mara qaybaha Soomaalida.

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin ayaa u sheegay Caasimadda Online in la yaab ay ku noqotay beesha caalamka iyo Q.M damaca cusub ee m/weynaha iyo xulufadiisa, taasi oo ka dhigan haddii awood intaas la eg la siiyo inaysan jirin doorasho xalaal ah oo Soomaaliya ka dhacda.

Sharciyaqaanada ayaa qaba maadaama M/weyne Xasan uu yahay musharax u taagan markale xilka inay tahay qalad inuu ololihiisa u isticmaalo lacagta dowladda, xaqna loogu leeyahay in laga xayiro, loona ogolaado oo kaliya waxa ku baxaya xafiiskiisa iyo gurigiisa.

Musharxiin badan oo u taagan xilka ayaa ka cabsi qaba in doorashada loo isticmaalo canshuuraha qaranka, taasi oo la wada leeyahay, aysanna jirin cid si gaar ah ugu tagri fali karta hantida qaranka, una isticmaali karta dan gaar ah, waxayna si kulul u cambaareeyen wasaaradaha warfaafinta iyo maaliyadda oo haatan si gaar ah ugu shaqeeya bay yiraahdeen M/weynaha.

” Haddii lacagihii wasaaradda maaliyadda M/weynaha kaliya ay u banaantahay inuu isticmaalo, ayna tahay hanti qaran oo la wada leeyahay, haddii warbaahintii qaranka ay kooxda madaxtooyada oo kaliya loo ogol yahay in laga daayo oo laga xayeysiiyo, ma fahmi karno dimuqraadiyadda taal meesha, waa un xukun kaligii talisnimo ah” ayuu yiri mid kamid ragga sida aadka u dhaliilsan qaabka ay dowladdu u maareysey waxa la wada leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com