Shariif Xasan oo shirqool cajiib ah u dhigay HAWIYE iyo DAAROOD

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhaba ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan uu wado olole ah inaan la helin musharax u istaaga xilka guddoomiyaha Barlamaanka, isaga oo taa bedelkeeda raba madaxweyne ama ra’iisul wasaare midkood inay helaan beeshiisa Digil iyo Mirifle.

Shariif Xasan ayaa abaabulay qorshe ah in qof ka socda Dir loo doorto guddoomiyaha Barlamaanka, isaga oo aaminsan inay isku bahaystaan Digil iyo Mirifle iyo Dirta sidii daaqadda looga saari lahaa Hawiye ama Daarood midkood si xilalka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha midkood loogu xalaaleeyo Digil iyo Mirifle oo waligood qaadan jiray guddoomiyaha Barlamaanka.

Qorshahan ka dhanka ah Hawiye iyo Daarood ayaysan ku baraarugsanayn siyaasiyiinta labadaas beel oo tartan xagga hogaanka dalka ah uu ka dhaxeeyay, qayb ahaana ka saami badnaan lahaa Digil/Mirifle iyo Dir haddii deegaan iyo doorasho caadi ah la geli lahaa, waana sababta uu gadaal kaga riixayay Shariif Xasan in 4.5 lagu wado doorashada qaranka ee 2016, oo aakhirkiina u hirgashay maadaama dowladda uu taageero ka helay.

Waxa uu kasoo jeeda xeerka aan qorneyn ee Hawiye iyo Daarood u xalaaleeyey labada jago ee dalka ugu sarreeya, halka beeshiisana ay ku kooban tahay jagada afhayeenka baarlamanka oo kaliya.

Shariif Xassan ayaa siyaasiyiinta ugu cad cad labada beel ee Hawiye iyo Daarood u jilaya inuu la safan yahay qolo kasta, isaga oo qorshihiisa u gaarka ahna si hoose u wada.

Horey ayaa loogu xusuustaa heshiiskii uu ku qiyaamay madaxweynihii KMG ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed, isaga oo hoos ka taageeray Madaxweynaha xilligan ee waqtigiisu uu sii dhamaanayo Xasan Shiikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com