Eng Yariisow oo shaki geliyay in doorashada dhacdo 2 bil kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan waxaa la shaaciyay in muddo labo bilood ah dib loo dhigay doorashada madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ee sanadkaan ayaa waxaa shaki kale laga muujinayaa in doorashada ay sidii loo qorsheeyay u dhacdo.

Eng C/raxmaan Cumar Cismaan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka Soomaaliya ayaa shaki weyn geliyay doorashada sanadkaan iney u dhacdaa sida loo qorsheeyay.

Eng Yariisow wuxuu sheegay iney jiraan caqabado badan oo u baahan in laga gudbaa, taasi oo sababi karta in dib u dhac kale ku timaado doorashada sanadkaan ee la qorsheeyay iney dhacdo labo bil kadib.

Arimaha la xiriira amaanka goobaha doorashooyinka ka dhacayaa, amaanka dadka musharixiinta ah ee tartamaya iyo arimo kale ayuu u sababeeyay ineysan sahal ku noqon karin in doorashada sanadkaan ay dhacdaa.

Hoos ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com