Dhageyso: Ahlu-Sunna oo diiday qorshihii Odowaa iyo Boorsaani

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ururka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa ka horyimid qorshaha magaalada Cadaado uu u tagay wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Maamulka Ahlu sunna ayaa gabi ahaanba beeniyay in wax wadahadal ah ay la galayaan maamulka Galmudug oo xaruntooda tahay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo maalin ka hor gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ujeedka socdaalkiisa wuxuu yahay sidii uu usoo hadal qaadi lahaa dadaalada nabadeed ee u dhaxeeya ururka Ahlu Sunah iyo maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka ururkaasi Ahlu Sunah C/laahi Xirsi Diirshe Daacad oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu san jirin wada hadal u dhaxeeya Maamulkooda iyo Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa soo hadal qaaday kaarka Aqoonsiga ee Minishiibiyo ee ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in waajib ay ku tahay Qof kasta oo qaan gaar ah inuu kaarkan qaato, balse Ahlu Sunna ayaa sheegtay in arintaasi hada aysan aheyn mid suuragal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com