Khilaaf dhallin kari arrin xasaasi ah oo ka dhex taagan maamulka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Dhexe , ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu iminka ka dhextaagan yahay mas’uuliyiinta maamulka Degmada Cadalle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Khilaafka ayaa ka taagan dhaqaale la sheegay in laga soo uruuriyo dadka deegaanka taa oo aysan la socon inta badan maamulka.

C/raxman Axmed Cabdi oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Cadalle, ayaa sheegay in maamulka uusan laheyn nidaam gaar ah, waxa uuna carab dhabay in deegaanada maamulka laga qaado dhaqaale lagu sheegay canshuur taasi oo dhalisay khilaafka ugu badan.

C/raxman Axmed Cabdi, waxa uu sheegay in khilaafka ugu badan ee iminka ka dhextaagan maamulka uu yahay mid ka dhashay qaabka loo qaado Canshuurta Degmada islamarkaana aysan Ogeyn inta badan Xubnaha Maamulka.

Waxa uu sheegay in inta badan dhaqaalahaasi ay gacanta u gasho Guddoomiyaha Degmada Cadale oo aysan jirin cid wax loogu qabto sida uu hadalka u dhigay.

Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay wax ka qabato boobka jira ee loo muuqaal ekeysiiyay midka sharciga ah.

Dhanka kale, waxa uu Mr C/raxman Axmed Cabdi ku goodiyay inuu qaadi doono talaabo adag waa haddii aan wax laga qaban xaalada cabasha dhalisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com