Shaki ka taagan qorshaha laga lee yahay lacag ay soo rogtay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa su’aalo ka keenay lacagaha musharixiinta laga doonayo, oo ay dhawaan qoondeeyeen madaxda madasha wadatashiga qaran ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa isweydiiyay halka la geynayo dhaqaalahaan, waxaana ay sheegeen in bilow ay u noqoneyso musuqa ay doonayaan madaxda Soomaaliyeed iney ku kacaan.

Sakariye Maxamed Xaaji oo sanadkii 2012 soo noqday musharax madaxweyne ayaa sheegay in aqoonyahanada Soomaaliyeed ee doonaya iney dalka badbaadiyaan lagu xujeeyay dhaqaalo badan si ay xilka iskugu soo sharaxaan, taasi oo horseeda in qofkii guuleysta xitaa uu musuq ku dhaqaaqaa.

“Arrinta lacagta waa dhibaatada ugu weyn ee Musuqa ka billaabanaya, waxa weeye Qur’aankii Alif ka xumaada Al-baqra kuma hagaago, waxa weeye dowlad lagu dhisayo laaluush iyo lacag qarannimo uma taallo, haddii la dhihi lahaa qofka Kun doolar ha iska bixiyo lacagtaasna la caddeeyo meesha ay aadeyso, la dhahayo qasnadda dhexe baa lagu shubayaa waa macquul”

“Laakiinse lacagta hadda la doonayo ee Malaayiinta ah waa in la ogaadaa meesha ay ku baxeyso iyo meesha ay aadeyso, 2012-ka ayaa nalaga qaaday 10 kun musharrixii meesha ay aaddayna lama oga, qof aan 5 kun haysan Soomaaaliya waxaba kama noqqon karo, aqoon kasto ha lahaado, wadaniyad kasto ha lahaado, marka waxay wadarta isku noqoneysaa in 10 kun oo doolar qof aan haysan aanu xildhibaan noqon karin”ayuu yiri Sakariye.

Maxamed Keynaan oo ah Afhayeenka, afhayeenka guddiga heerka Federaal ee hirgelinta doorashooyinka dalka oo isna arrintan wax ka weydiinnay wuxuu sheegay in la heli karo aqoonyahanno dalka badbaadiya lacagtaasina heli kara, wuxuuna tilmaamay in aragtida Sakariye tahay mid wanaagsan, balse loo baahan yahay in aan la daadin waxa yar ee la haysto waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Sax ma ahan in la dhaho haddii lacagta la isku xiro in la dhaho dadka ma yeelan karaan awood ay xildhibaannimo kusoo raadsadaan, dad ka badan 12 Malyan Soomaaliyeed ayaa laga soo xulayaa 14-kun oo qof, walwalka uu sakariye muujinayo inkastoo aan qaar la qabo hadane yaan lagu tarax tagin, waa laga yaabaa inay jiraan dad badan oo Soomaaaliyeed oo lacagtaasi awooda, waxaa habboon in la is weydiiyo sida lagu tagi lahaa meel kasii wanaagsan halka waddanka hadda uu marayo”ayuu yiri Kenyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com