Kenya Airways oo qiimo lala yaabay ku billaabeysa duulimaadka Xamar-Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Diyaaradda Kenya Airways ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadka tooska ah ee Muqdisho-Nairobi ah, kaasi oo dib u bilaaban doona horraanta sanadka soo aadan ee 2024-ka.

Kenya Airways ayaa sheegtay in duulimaadka cusub ee Muqdisho-Nairobi uu noqon doono toddobaadkiiba saddex jeer, kaasi oo ku kacaya qiimo aad u sarreeya.

Qiimaha Ticket-ka ay shaacisay diyaaradda Kenya ayaa ah $1050 (Kun iyo konton dollar), oo ah mid aad qaali u ah oo ka badan labo jibaar qiimaha Ticket-ka xilligan ee duulimaadyada Muqdisho-Nairobi.

August 2020, ayay aheyd markii duulimaadyada diyaaradda Kenya Airways si KMG ah loo hakiyay caabuqa Karoona (Covid-19) oo dilaacay awgiis, wuxuuna hadda dib u bilaaban doona 14-ka bisha Febraayo 2024.

Julius Thairu, oo ah Madaxa Ganacsiga iyo Macmiilka ee Kenya Airways oo ka hadlayay ka hor inta aan la bilaabin duulimaadka, ayaa yiri,

“Waxaan aad ugu xiisayneynaa suurtagalnimada in dib loo yagleelo xiriirkii Muqdisho iyo Nairobi iyada oo loo marayo KQ. Tallaabadan ayaa la xiriirta ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Julius Thairu oo ah madaxa xafiiska ganacsiga iyo macmiilka ee Kenya Airways.

“Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, anagoo ka wada-shaqaynayna sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.”

Si kastaba, Dib usoo celinta duulimaadyada Muqdisho-Nairobi ayay Kenya Airways ku macneysay qayb kamid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo horumarinta isku xirka qaaradda Afrika, si ay gacan uga geystaan horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.