Sawirro: Khasaaraha qarax ka dhacay magaalada Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax goor sii horeysay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay aalad aan illaa hadda la xaqiijin nooceeda, kaasi oo ka dhacay agagaarka wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin ee magaalada Garowe.

Sida illaa hadda la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay saddex dhalinyaro ah oo la dhigay isbitaalka, iyaga oo qaba dhaawacyo fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen qoysaskoodu.

Ciidamada ammaanka caasimadda ayaa gaaray meesha uu qarax ku helay dhalinta, iyagoo baaritan ku wada qaraxan.

Waalidka dhalay caruurtan ayaa sidoo kale sheegay in aysan garanayn waxa ku qarxay caruurtooda, balse ka war sugayan baaritanka.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online