Kenya oo ciidamo badan soo dhoobtay Mandhera

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda kenya ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari, dalkaasi.

Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah gudaha magaalaaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhaq dhaqaaqyo cusub iyo howlgallo ciidamadu ay ka bilaabeen halkaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya xiisada ka taagan Mandhera iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira halkaasi.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoona shalay sanatarada, xildhibaanada laga soo Mandhera iyo maamulka degmadaasi ay dalbadeen inuu deegaanka isaga baxo wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo ay ku eedeeyeen qal qal gelin amni.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana tallaabada ay qaatay Kenya ay sare u sii qaadeysa xiisada ka taagan halkaasi.