Kenya oo heshiis la galeysa A/Madobe kadib markii ay is-fahmi waayeen DFS

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Star ee Kenya ka soo baxa ayaa qoray maanta oo Sabti ah Kenya in ay heshiis la galleyso maamulka KMG ah ee Jubba, heshiiskaas ayaa la xiriira in qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool loo wareejiyo gobalada Jubbooyinka.

Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, ayaa sheegay in arrintaas loo sameeyay markii labo jeer dowladda Soomaaliya ay ka soo qeybgali weysay shirar looga hadlaayo dib u celinta qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Sarkaalka u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guul-darreesatay in ay ka soo baxdo heshiis kal hore ay kala saxiixdeen, Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda qoxootiga QM ee UNHCR.

Maalintii shaley ayaa la rabay in la qabto kulanka labaad ee looga hadlaayo dib u celinta qoxootiga Soomaalida balse waxaa aan ka soo qeybgalin dowladda Soomaaliya ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Kenya.

Kenya ayaa marka si ay u sii wado arrimaha qoxootiga Soomaalida waxay heshiis la galeysaa maamulka Axmed Madoobe kaasoo badali doona dowladda fedaraalka ayaa lagu yiri warka uu qoray Wargeyska The Star.

Magaalada Nairobi waxaa muddo toddobaad ah ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba, Jeneraal Cabdullaahi Ismaacil Fartaag.

Kenya ayaa horrey si iskeed ah qunsuliyad uga sameesatay magaalada Kismaayo, waxaa kaloo Jubbooyinka ka jooga ciidamo aad u fara badan kuwaasoo qeyb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa muuqata in uu jirro khilaaf ku aadan halka lagu qabanaayo shir looga hadlaayo dib u celinta qoxootigta Soomaalida ee Kenya ku nool taasoo u dhexeeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com