Kenya oo qaaday tallaabo ay uga hortageyso weeraro ay qorsheeneyso Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ciidamo u badan Booliis waxa ay geysay Ismaamullada Soomaalida halka kuwa militari ah ay dhigtay deegaannada soo xiga Soohdinta Soomaaliya sida ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Kenya ay su’aalo weydiinayaan dad isaga kala gudba Xadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya halka shaqsiyaadka ay ka shakiyaan baaris dheeraad ah ku sameeyaan.

Ujeedka kordhinta Ciidamada Kenya ayay dadka Deegaanku ku sheegeen in ay ka dambeeyay kaddib markii labadii todobaad lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ka dhacaya Deegaannada xiga Soohdinta waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegtay Al-Shabaab.

Sarkaal katirsan Ciidamada Kenya ayaa sheegay in had iyo jeer Ciidamada ay wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka Xadka balse shaqadu ay sii kororto marka ay wax dhacaan ama soo gaarto Digniin Amni.

Ciidamada gaarka u tababaran ee Kenya u qaabilsan la dagaalanka “Argagixisada” ayaa dhowr jeer howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno kala duwan balse ma sheegin natiijada kasoo baxday maadaama ciidankaan howlgalladooda inta badan aanay faah-faahin ka bixin.