Kenya oo qarka u saaran inay isaga baxdo kiiska ICJ ee dacwada badda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr Axmed Cali Daahir ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay iskaga baxdo kiiska dacwadda  badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ)

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Kenya ay hadda ka fakareyso sidii ay kiiska uga hari lahayd.

Hadalka Axmed Cali Daahir ayaa imanaya laba maalmood kadib markii Kenya ay maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loo dhigo dhageyso dacwadda “si ay u qorato qareenno cusub.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ahshalay  ka bixisay dalabka Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kiiska badda ee horyaalla Maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ.

Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay inay Soomaaliya aad uga xuntay isla markaana ay tahay wax aan cudur-daar loo heli karin codsiga ka yimid Kenya ee ah in dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda.

Tallaabada Kenya ay qaadday ayuu sheegay inay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraad ee badda Soomaliya ee Kenya ay muranka galisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com