Wararkii ugu dambeeyey khilaaf cusub oo soo kala dhex galay DF iyo Ahlu Suna

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inuu soo if baxay Khilaaf hor leh oo u dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu Sunna.

Khilaafka cusub ayaa la sheegay sida aan xogta ku helnay inuu imaaday kadib markii Ahlu Sunna ay codsatay in la hoos geeyo guddiga Doorashada Galmudug.

Ahlu Sunna waxay Ra’isulwasaare Kheyre hordhigtay inay iyaga maamulaan Doorashada marka la qabto Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha Galmudug oo la filayo in lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga Ahlu Sunna ka hor timid waxayna taas sababtay inuu Khilaafka meesha ugu sareysay gaaro, waxaana saacadihii lasoo dhaafay dhacay kulamo aan loo kala kicin oo u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Ra’isulwasaare Kheyre.

Waxyaabaha ay Ahlu Sunna dalbadeen ayaa ah inay iyaga qaataan Guddiga Doorashooyinka iyo Maamulka Howlaha Doorashada.

Wararka qaar ayaa sheegayo in sababta uu shirkii Dib u Heshiisiinta Shalay u baaqday ay aheyd khilaafkaan darteed.

Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Dhuusamareeb geysay Ciidamo badan oo isugu jiray AMISOM iyo kuwa Dowladda, waxaana wiiqmatay awoodii Ciidan oo ay Ahlu Sunna ku laheyd Magaalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com