Kenya oo sabab layaab leh ku micneysay joojinta dhismihii safaaradeeda Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta ka dambeyso inay joojiso dhismihii ay ka waday safaaradeeda Magaalada Muqdisho oo uu hakid ku yimid.

Amina Maxamed oo ah Wasiirka arimaha dibada dalka Kenya ayaa baarlamaanka dalka Kenya ka hor sheegtay in dhismihii safaaradda Kenya ee Muqdisho loo joojiyey sababo xagga amaanka ah markii ay sheegtay inay Muqdisho kusoo bateyn dilalka iyo qaraxyada.

Wasiirka oo warbixin siineysay Guddiiga Difaaca iyo arrimaha Dibadda ee Baaralmaanka Kenya ayaa ka dhawaajiyey inuu istaagay mashruucaan lasoo bilaabay sanadkii 2015 iyadoo la filayey in lasoo gabagabeeyo sanadkii dhamaaday 2016 .

Amina oo ka hadleysay arrintaan ayaa sheegtay inay hakiyeen dhismaha safaaradooda kadib marki ay soo bateen arrimaha ka dhanka ah amaanka Muqdisho iyadoo ku nuux nuuxsatay in shaqadaas ay mareyso meel fiican.

“ Waxaa hakad ku yimaaday dhismaha safaarada Kenya ee Muqdisho kadib markii ay soo kordheen dhibaatada xagga amaanka ah ee Caasimadda Soomaaliya, balse waxaan idiin xaqiijinayaa in shaqadaas la qabtay 35% oo ah meel wanaagsan oo lasii wadi karo marka ay fursada saamaxdo” ayey Amina ka hor tiri guddigaas.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii 2014 ku dhawaaqday inay wanaajin doonto xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya iyadoo markaasna sheegtay inay halkaan ka furan doonaan safaarad maadaama ay markii hore si kumeel gaar ah ugu shaqeyn jirtay Nairobi.

Dowlado badan ayaa ku dhiiraday inay Muqidisho ka furtaan safaarado inkastoo badankood ay dhex dagan yihiin xarunta ay AMISOM ku xoogan tahay ee Xalane.

Hadalka ay Kenya ka dhawaajisay ayaa kusoo aadayo xilli uu dalka la wareegay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com