Britain oo dhaqaale xoogan ku bixineysa arrin ka taagan Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Britain oo kamid ah Dowladaha taageera Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay ugu deeqi doonto lacago lagu taageeraayo Gurmadka Abaaraha.

Dowlada Britain ayaa sheegtay in lacag dhan 16 millin oo Giniga Istarliinka ku maalgelinayso dhowrka bilood ee soo socda Barnaamijka looga hortegayo Macluusha Somalia.

Warbixin lagu soo daabacay Websaytka Golaha Qaxootiga Norway NRC, ayaa lagu sheegay in lacagtaasi ay khaas u tahay dadka ay daashatay Abaaraha, waxaana lagu sheegay in gurmadka Britain uusan intaa ku ekaan doonin.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Kharajkaasi lagu taageeri doono in ka badan 450,000 oo qof oo naf-badbaadin ah, waxa ayna Britain sheegtay in Dowladaha Caalamka looga baahan yahay inay qeyb ka noqdaan Gurmadka.

Dowlada Britain ayaa tilmaantay in Macluusha ka jirta africa ay saameynta ugu badan ku yeelaneyso Somalia oo aan ilaa iyo hadda helin gurmad heerkii la filaayay.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan Lacagta dhan 16-ka million ee Gini loogu wareejin doono 7 Hay’addo Aan Dowli ahayn (NGO), kuwaasi oo koox ahaan uga dhex shaqeeya gudaha Somalia.

Geesta kale, Dowlada Britain ayaa mar kale ku celisay inay hor boodi doonto Dowladaha ka qeybqaadanaaya Gurmadka Abaaraha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com