Masar oo go’aan lama filaan ah ka qaadaneysa Xusni Mubaarak

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa lagu wadaa in dhawaan laga sii daayo Isbitaal Milliteri oo uu ku xiran yahay.

Qaar kamid ah Qareenadiisa iyo ilo dhinaca Garsoorka ayaa sheegay in Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-sisi uu amray in lasii daayo Xusni Mubaarak, kadib markii uu cafis ka helay Madaxweynaha.

Qareenada ayaa laga soo xigtay in Xusni Mubaarak lasii deyn doono maanta oo Tallaado ah kuna beegan 14.3.2017, si uu dib ula midoobo qoyskiisa.

Qareenada waxa ay sheegen inay suuragal tahay in deysmada Xusni Mubaarak ay gaarto ilaa maalinta Khamiista ah si loo soo xiro Kiiska danbiyada ee loo xiray.

Madaxweynihii hore Xusni Mubaarak oo Dacwadiisa ugu dambaysay la qaaday bishan ayaa waxaa laga tirtiray Dembigii Dilka ee loo haystay, waxaana lasoo xiri doonaa Kiiska dacwadiisa.

Xusni Mubaarak ayaa sannadkii 2012-kii lagu xukumay Xabsi Daa’in, iyadoo lagu soo oogay dilkii 239 Dibadbaxayaal muddadii ay socdeen 16-kii maalmood ee Kacdoonka ee looga tuuray talada dalkaasi.

Dowlada Masar si rasmi ah ugama aysan hadal deysmada Xusni Mubaarak, waxaase laga soo xigtay deysmadiisa Qareenadiisa iyo ilo dhinaca Garsoorka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com