DEG DEG: Qaraxyo xoogan oo Caawa laga maqlaayo Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo culus ayaa waxaa Caawa laga maqlayaa qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxyadaasi loo adeegsanaayo Bam gacmeedyo.

Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa goordhow oo Caawa ah Bam gacmeedyo ku weeraray Ciidamo ka tirsan Dowlada oo ku sugnaa isgooyska jid mareexaan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaani ayaa rasaas ooda ka qaaday Qaraxa kadib waxaana la soo warinayaa in lagu tuuray Bam gacmeedyo uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Bamka ay tuureen Laba ruux oo Dhalinyaro ah kuwaa oo Qaraxa kadib ka baxsaday goobta, sida laga soo xigtay goobjoogayaasha.

Qarax kale oo loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa sidoo kale ka dhacay isla magaalada Muqdisho, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin halka lagu weeraray.

Qaraxyada loo adeegsaday Bam gacmeedyada ayaa laga wada maqlay inta badan Degmooyinka magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaani ayaa barbar socda laba Qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com