Shidaalkii loogu talagalay in Mas’uuliyiinta Gobolka ugu adeegaan bulshada oo la arkay iyadoo suuqyada loo iib geenayo

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa soo baxayo xog ku saabsan takri fal iyo xadgudub hanta qaran oo ka jiro maamulka Gobolka Banaadir, iydoo madaxda ugu sarreyso lagu eedeeyey inay ka gaabiyeen la xisaabtanka guddoomiyayaaaha degmooyinka.

Caasimadda Online ayaa heshay warar lagu kalsoon karo oo muujinayo in la isla xisaabtan la’aanta ka jirto maamulka Gobolka Banaadir ay sababtay in lagu xadgudbo hantida qaranka kadib markii ay soo baxday arrin sheegeyso in shidaalka loogu talagalay shaqalaha Gobolka Banaadir lagu kala iibsado suuqayada Magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah guddoomiye waaxyeedyada Gobolka Banaadir oo naga codsaday inaan magaciisa soo bndhigin ayaa caasimadda Online uga waramay arrin xasaasi ah oo ku aadan arrintaas isagoo xusay in qaar kamid ah guddoomiye waaxeedyada Gobolka Banaadir ay shidaalkii shaqada loogu talagalay ay u iib geeyaan meelaha shidaalka lagu kala iibsado ee suuqayada Muqdisho.

Waxaa la sheegay in shaqsiyaad ka tirsan keydka shidaalka ee Maamulka Gobolka Banaadir inay heshiis ganacsi la galeyn ku dhawaad lix kaalin shidaal oo ku taal Muqdisho waxaana mar kasta si hoose loo geeyaa shidaalkii loogu talagalay inuu ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shidaalka ayaa lagu suuq geeyaa qiimo aad uga jaban mid ay ganacsatada kusoo iibsato, waana shidaalki loogu talagalay inay mas’uuliyiinta ugu adeegaan shacabka Muqdisho iyo degmooyinka kala duwan.

Shidaalka la iibiyo ayaa xilliyada habeenkii ah lagu qaadaa caagago waaweyn oo kuwa shidaalka loogu talagalay ah sida ay Caasimadda xogta ku heshay.

Fadeexaadaan soo baxday ayaa kusoo aadeyso xilli uu shaki ku jiro xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Boorsaani oo la filayo in dhawaan xilkaas laga qaado loona dhiibo shaqsi kale oo ay saaxiibo yihiin Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com