Kenya oo Somaliland ka heshay fursad malaayiin dollar ah kadib go’aan soo baxay

Hargeysa (Caasimada Online) – Ganacsatada Qaadka keena ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay joojinayaan qaadka ay ka keenaan Ethiopia, kadib markii ay sheegeen in dowladdaas ay kusoo rogtay caqabado hor leh.

Afhayeenka Ganacsatada Qaadka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aankan uu dhaqan gali doono bisha soo socota lixdeeda, isaga oo aarintaan ku sababeeyay kadib markii canshuurtii Ethiopia ay ka qaadi jirtay ku qaaliyeysay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay qaadka ka keensan doonaan Kenya iyo Yemen, islamarkaana ay kasoo dejisan doonaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

“Qaadkii aan ka iibsan jirnay ee Itoobiya, gaar ahaan Kilinka 4-aad ee Oromada waa joojinay. Oromadii waxay yiraahdeen Kiiloogi Jaadka ku keena $10, markii hore waxa uu ahaa $2 waxay ku kordhiyeen $8 marka anaguna waan diidnay,” ayuu yiri Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee Somaliland.

Waxa uu sheegay in go’aankan ay ka wada socdaan xukuumadda Somaliland, sidaas darteedna cid kasta oo isku dayda inay jabiso oo qaad ka keenta Ethiopia aysan gudaha usoo gelin karin Somaliland.

“Niman Oromo ah oo qaadka dira ayaa yiri anaga qaadka iyo khudrada geynayna oo lacagta adag keenayna waanu diidnay, kuwiina Wajaale ayaa u taaganahay. Wasaaradda Maaliyada iyo Kastamyada waxa isku ognahay in uusan jiri doonin qof 6-da bisha wixii ka dambeeya loo canshuuri doonin qof qaad ka keena Itoobiya.”

Go’aankan ayaa waxa uu fursad weyn oo dhaqaale u yahay Kenya, oo ayado sanadihii dambe uu qaadkeedu wajahayay suuq la’aan weyn, kadib markii ay isku dhaceen madaxweynihii hore ee Soomaaliya.